U bood dhigaalka

UK oo Ka Walaacsan Faafitaanka Nuuca Cusub Ee Koroona

Sheeko:Caalamka

Wadan UK waxaa uu aad uga walaacasan yahay qatarta xanuunka Koroona wajigiisa cusub oo soo ifbaxay, waxaana uu sababay in dalka uu ka go’doomo dunida inteeda kale, waxaana hakad galay safaradii duulimaadyada iyo Badda. a

Ra’iisalwasaaraha wadanka Boris Jonson oo shir jaraaid qabtay ayaa fariin uu u gudbiyey shacabka dalkaasi waxaa ay muujinaysay  aheyd inuu ka digay saameyn xanuunka cusub uu yeeshay dalka.

Xoghayaha caafimaadka UK ayaa sheegay in xanuunka nuucaan ah 70% uu ka fuditaan badan yahay kii horay loo arkay, waxaana uu intaas ku daray in xaaladdu ay faha kasii baxayso, waxaana ay aheyd fariin ku socotay shacabka.

Diyaaradihii Britain ka tegayey ee u socdaalayey dalalka ku yaallo Asia iyo Yurub ayaa la joojeyey, sida Sacuudiga, Spain, India iyo waliba kuwo kale, kuwaas oo walac ka muujinayo inuu soo gaaro xanuunka Koroona wajigiisa cusub.

Dowaladda Faransiiska ayaa muddo 48 saacadood ah waxaa ay xirtay xadbadeedka ay la wadaagto wadanka UK, iyadoo horay wadama reer Yurub badankooda hakad ay galiyeen muwaadiinta UK tagay iyo kuwa ka imaanaya.

Goobjoog News