U bood dhigaalka

Guddoomiye Dacar “Waa Shaqo Aadag Xilka La Ii Magacaabay”

La Taliyaha Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) ayaa loo magacaabay Madaxa Gobolada Xiriirka kubbadda cagyaraha Soomaaliya ee (Somali Minifootball),waxaana qoraal ka soo baxay xafiika Xiriirka kubbadda cagyaraha Soomaaliya lagu sheegay in ay ka sugayaan in uu la yimaado wax qabadka wanaagsan oo horomar u ah Somali Minifootball.

“Waa shaqo adag oo u baahan in la horomariyo,waxaan rajaynayaa in aan horomariyo xafiiska cusub ee arrimaha Gobolada Xiririka kubbadd cagyaraha Soomaaliya,waxaana ku haminayaa in ay soo baxdo shaqo guul ku dhisan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay madaxa Gobolada Somali Minifootball ahna la taliyaha Maamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar)

6-September 2020 Doorasho ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa hogaan cusub loogu doortay Xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubbadd Cagyaraha ee ( Somali Mini Football) 2020-2025,waxaan guddoomiye loogu doortay Xaaji Aadan Cabdulle,halka guddoomiye xigeen loogu doortay mudane Xasan Cabdi Goodax.

Tani waxa ay qeyb tahay shaqooyinka kala duwan ee u yaala madaxda Xiriirka kubbadd cagyaraha Soomaaliya,waxaa dhamaan saaxiibada loo magacaabay joogiyin kala duman ugu hambalyeenaa xilalka loo magacaabay,waxaana u rajaynaa guul iyo horomar” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubbadd Cagyaraha Soomaaliya mudane Xasan Cabdi Goodax.

Aqriso Xogo Kale Oo Ku Saabsan Somfa

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/xaaji-aadan-cabdulle-ayaa-loo-doortay-hogaaminta-xiriirka-soomaaliyeed-ee-kubbadd-cagyaraha-somali-mini-football-2020-2025/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle