Gudoomiye Wiish “Way Mahadsanyihiin Valencia iyo Villareal”
Kooxaha kubadda Cagta Valencia iyo Villareal ee ka ciyaara horyaalka Kubadda Cagta Dalka Spain ee (La Liga) ayaa qalab isboorti ugu deeqay uguna soo hambalyeeyay guushii ay gaareen, degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee soo gaaray fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir,Iyagoo usoo marsiiyay Ciidanka Spain ee katirsan ciidamada Midowga Yurub.
Munaasabaddda qalabka lagu doonsiinayay oo ka dhacday xarunta ay ciidamadan ka degaan yihiin magaalada Muqdisho,waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish iyo Madaxa Horumarinta isboortiga Gobolka Banaadir Daa’uud Axmed Maxamed.
“Bilihii la soo dhaafay saaxiibada beesha caalamka ee jooga dalkeena waxa ay da’daal iyo garb instaag ku bixiyeen horomarka iyo guulaha qeybaha kala duwan ee isboortiga Gobolka Banaadir,runtii waan ugu mahadcelinaynaa kaalintooda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Madaxa Horumarinta isboortiga Gobolka Banaadir Mudane Daa’uud Axmed Maxamed.
Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir mudan Xasan Yabarow Wiish ayaa labada koox uga mahadceliyay dhiirogelinta ay u sameeyay ciyaartoyda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir, waxuuna intaa ku daray in maamulka isboortiga Gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulka guud ee Gobolka uu sare u qaadi doono ,dadaalada uu ku hormarinayo isboortiga Gobolka Banaadir.
“Waan u mahadcelinaynaa kooxaha reer Spain ee mar walba garab taan horomarinta iyo guulaha ciyaaryahanada Gobolka Banaadir,runtii arinta waxa ay ka mid tahay shaqooyinkii horomarineyd uu wado xafiiska Maamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka mudane Xasan Yabarow Wiish.
Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Gobolka Banaadir
https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-wiish-tartanka-maamul-goboleedyada-waxaa-loo-qabtaa-in-laga-helo-ciyaartooy-tayo-wanaagsan/