U bood dhigaalka

Aqalka sare oo Sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo

Sheeko:Baarlamaanka

Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyey Farmaajo.

Aqalka sare waxaa uu ku baaqay in loo laabto heshiiska September 17, dalkana laga ilaaliyo qalalaaso iyaga oo beesha caalamka ugu baaqay iney soo farageliso.

warka aqalka sare ayaa ku soo aadaya  xili maanta Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho  oo cod gacantaag ah ku ansixiyay Qaraarka cusub ee doorashooyinka .

Qaraarkan ayaa dhigaya in dalka laga qabto doorasho Qof iyo Cod ah , iyadoo muddo laba sano ah loogu daray hay’adaha Dowladda si dalka doorashadaas uga qabtaan .

Inta badan xildhibaanada ayaa cod Aqlabiyad ah ugu gacan taagay , iyadoo in ka badan 140 Mudane ay ansixiyeen Xeerka .

Goobjoog News