U bood dhigaalka

Somaliand: 30 Sano Aqoonsi La’aan ah, Akhriso Sooyaalka iyo Sababta Gooni-u-goosashada?

Somaliland ayaa maanta xuseysa 30 sano kadib markii ay ka go’day jamhuuriyadda Soomaaliya 1991-dii, iyada oo weli aan helin aqoonsi.

Todobaadkan ayey aheyd markii madaxweyne Muuse Biixi uu ka qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo qeyb ka ah dadaallada uu ugu jira inuu saameyn ku yeesho gobolka.

December sanadkii tagay waxaa caasumaad u fidiyey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, booqashada Biixi ayaa waxaa ka dhashay isu soo dhowaanshiyo labada dhinac, waxaa intaas dheer Itoobiya oo heshiis horay ula gashay dekadda Berbera.

Somaliland waxaa ay haatan galeysaa doorasho iyada oo dunida, oo ay ugu horeeyaan deeq bixiyeyaasha iyo kuwa daneeya indhaha ku heyso sida ay u dhacdo codbixinta iyo hawlaha u qabsoomaan si hufan, xor yo xalaal ah.

Sidee ku timid Gooni isu taagga?

Shirk ka dhacay Burco 27dii April ilaa 5tii May 1991-dii, waxaa isugu yimid beelo ku abtirsada gobollada waqooyi sida  Ciise, Gedabuursi, Warsengeli iyo Isaaqa, beesha dambe ayaa beelaha kale ka dhaadhiciyay in shir February sanadkaan ka dhacay Hargeisa la isku afgartay in  lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii.

Go’aannada shirkaasi lagu gaaray oo 3 ahaa waxaa saxiixay 17 ka mid ah wakiillada beelaha dega gobollada waqooyi raggaas oo mas’uul ka ahaa in gobolladaas gooni u baxaan.

Subaxnimadaa 18-kii May 1991-dii, waxaa go’aanka ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha dhexe ee SNM Ibraahim Meygaag Samatar Iyo  Guddoomiyaha SNM Cabdiraxmaan Cali Tuur iyaga oo sheegay in si rasmi ah uga go’een Jamhuuriyadda Soomaaliya, dibna ula noqdeen xuriyadooda.

Dib U Xusuuso Sida Midnimadii hore ku timid 1960:

British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, laakin arintaan waxaa la soo afjaray 26- June, 1960-kii.

Ka hor Xuriyadda Gobolada Waqooyi 26-ka June iyo Xitaa maalmihii ka dambeeyay inta aanay la midoobin Koofurta Soomaaliya waxaa dhacay dhowr arin oo xusid mudan.

6 April 1960, Golaha Tashriica ee Protectorate of Somalia ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

22 April 1960, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee Koofurta, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya.

May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani.

Waxaan Filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney,  1-dii Luulyo labo midowday.

Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii-1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin.

June 26, 1960-kii, Waxaa Xuroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”.

Halgaama Soomaaliyeed ayaa Gabaygaas caanka noqday codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur.

Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen,  leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya.

4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah.

Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqdishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, taas oo dhacday 1-dii July 1960-kii.

Abaarihii Saqdii  dhexe 12:00 Habeenimo iyo haldaqiiqo Calanka laga taagay bartamaha Muqdishu iyadoo mar kale ayaa la qaaday hestii “Kana Siib Kana Saar”

July 1, 1960: waa maalinta Soomaaliya, maalintii xuriyadda iyo midnimada, Waa maalintii ay Soomaaliya ka xurowday gumeystaha Talyaaniga iyo sidoo kale ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

March 30, 1960: Waxaa dalka ka dhacay doorashadii ugu horeysay, SYL ayaa ku guuleysatay 69 ka mid kuraasta 123-da ah ee Baarlamaanka.

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey  Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka

  1. Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii
  2. Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963
  3. Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo Wareysi  bixiyay 1991-kii kadib gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada ay ku timid Caadifad iyo Qorshe la’aan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,