Wasiir Xamse “Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya Waxaay Diyaar U Tahay Garabsiinta Xiriirka Minifootboolka”
Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabgabeeyay koob lagu xusayay todobaadka xoriyada,waxaana iska kaashaday Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo Xiririirka kubad cagyaraha Soomaaliya,ciyaartii fiinalaha waxaa wada dheelay kooxaha Al-Jazeera iyo Nadabada,waxaana munaasabadii xeritaanka ka soo qeyb galay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Xamse Saciid,guddoomiyaha Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle iyo mas’uuliyeen oo kale oo ka tirsan Wasaarada Ciyaaraha iyo qaar ka mid ah laacibiintii hore Soomaaliya.
“Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya wuxuu diyaar u yahay in uu fursad siiyo dhalinyarada aan fursad u helin u dheelista kooxaha iyo Xulka Qaranka” ayuu warbaahinta u sheegay Saaciid Xuseen Cabdi oo ah madaxda tartamada xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya,sidoo kalane ah Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir.
“Doorashadii Madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya ka dib,waxay qabteen shaqooyin badan,Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu dhiirigelinayaa shaqooyinka ay ka wadaan Gobolka Banaadir” ayuu saxafadda u sheegay Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir .
“Gobolka Banaadir iyo SOMFA waan in ay si dhaw ugu wadashaqeeyaan horomarinta Minifootboolka caasimada Muqdisho” ayaa ku bogaadiyay la taliyaha dhinaca isboortiga madaxweynaha Farmaajo mudane. Prof.Maxamed Xuseen Haadi.
Daawo Warbixin Koobka Lagu Xusayay Todobaadka Xoriyadda
Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA
https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-xaaji-aadan-waxaan-rabnaa-in-aan-fursad-siino-halmilyan-oo-dhalinyaro-soomaaliyeed-oo-matasha-xulka-qaranka-soomaaliya/