U bood dhigaalka

Macallin Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Shaqsiga Ugu Wanaagsan Isboortiga Soomaaliya.

Luuliyo 10, 2021

Tababarihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya soona hogaamiyay Kooxaha Elman iyo Dekedda iminka ah Madaxda farsamada kooxda kubbadda cagta Elman Yuusuf Cali (Yuu-Cali) ayaa ku guulaystay abaal marinta shaqsiga ugu Wanaagsan Isboortiga Soomaaliya,waxayna xafldan ka dhacday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Ku guualysiga abaal marinta waxay kor u qaadaysaa in aan hormariyo xirfada macalinimo,waxaan u mahadcelinayaa Somalinightawards, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa saaxiibadii qeyb ka tahay in gaar heerkan” ajuus Goobjoog Sports u sheegay madaxa farsamada kooxda Kubabdda Cagta Elman Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali)

Daawo Abaal Marinta Uu Ku Guulaystay Macallin Yuu-Cali

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Yuu-Cali

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/yuu-cali-oo-sheegay-in-uu-ku-dayado-macallin-zidane/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle