U bood dhigaalka

Kooxda Halgan Oo Dhiirigelisay Ciyaartooyda Iyo macallimiinteeda

Kooxda Kubadcag yaraha Halgan ee ka dhisan degmada Hodan ayaa dhiirigelisay ciyaartooyda iyo macallimiinteeda, waxaana xafladan dhiirigelinta kooxda Halgan ka soo qeyb galay madax ka socotay Xiriirka kubadcag yaraha Soomaaliya,mas’uuliyeenta kooxaha Minifootboolka iyo sidoo kale madax ka socotay shirkadaha ganacsiga Magaalada Muqdisho.

“Waxay Diyaar u nahay garabsiinta kooxaha iyo Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu isna munaasabadda ka sheegay Cali Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku xigeenka ahna madaxa suuq-geynta shirkadda Rakaab

“Kooxda Halgan ee kubadcag yaraha waxaa loo aas-aasay in ay kaalin weyn ka qaadato nabadda iyo horomarka Soomaaliya” ayuu saxaafadda u sheegay Muxsin Cabdirashiid Qoran oo ah macallinka kooxda Halgan Minifootboolka oo ka mid ah kooxaha heerka kowaad ee kubadcag yaraha Soomaaliya.

“Waa Muhiim in ganacsatada ay garabsiiyaan ciyaartooyda Kooxaha iyo Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya“ ayuu sheegay Maxamed Cabdiraxmaan Warsame oo ah falanqeeye ciyaaraha gudaha sidoo kalna ah xubin isboortigii hore

“Ciyaartooyda Xulka Qaranka Minifootboolka waxay ka imaanayaan 24-koox ee kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu isna sheegay Saacid Xuseen Cabdi oo ah Guddoomiyaha Tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka , sidoo kalane ah Guddoomiyaha isboortiga Degmada Warta Nabadda.

“Ciyaartooyda Qurbajoogta iyo kuwa gudaha si siman ayay u heli-doonaan fursada Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya“ ayuu balan qaaday Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed mudane Daa’uud Shire

Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Halgan

Sidoo Kale Daawo Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-abuukar-xasan-waxaan-guul-ka-gaarnay-dalka-iyo-dibadda/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle