U bood dhigaalka

Galmudug: Jadwalkada Doorashada Lix Kursi Oo La Shaaciyay

Febraayo 28, 2022

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada  lix kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah oo lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo.

Guddiga ayaa shaaciyey in doorashada kuraasta kala ah HOP#001, HOP#13, HOP#017, HOP#020,HOP#060 iyo HOP#101, kuwaas oo la dooran doono  6 March sida lagu shaaciyey jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee DGG.

1: Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#001 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Warsame Maxamed Xasan.

2: : Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#013 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Maryan Maxamed Xuseen.

3: Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#017ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Duniya Maxamed Cali

4: Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#020 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Cali Axmed Shariif Cusmaan.

5: Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#060 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Ubax Tahliil Warsame.

6: Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#101 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Xirsi Aadan Rooble.