SWIFT: Nidaamka Ruushka Laga Saarayo Ee Uu Cabsida Ka Qabo
Quwadaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa ku dhow inay ku heshiiyaan qaabkii Ruushka looga saari lahaa nidaamka maaliyadda caalamiga ah SWIFT, taa oo looga jawaabayo duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.
Jimcihii, Wasiirka Maaliyadda ee Faransiiska Bruno Le Maire ayaa ku tilmaamay go’aanka suurtagalka ah ee looga saarayo Moscow “Swift” mid la mid ah hub dhaqaale oo nukliyeer ah.
Haddaba waa maxay Swift? Yaa maamula oo leh go’aankiisa? Maxayse tahay xiriirka kadhexeeya cunaqabateynta dhaqaale oo dalalka isahaya ay iskusoo rogaan iyo nidaam caalami oo loo simanyahay?
tallaabooyinkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in quwadaha reer galbeedku ay kabaraan dagayaan si ay qaar kamid ah bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee Ruushka ay uga saari lahayeen nidaamka SWIFT, iyada oo aan laga saarin dhammaan hay’adaha maaliyadda Ruushka, si looga fogaado waxyeellada uu go’aankani u geysan doono waddamada Yurub ee macaamil lacageed iyo mida dhaqaale oo ballaaran laleh Ruushka, oo uu ugu horreeyo Jarmalka, oo ah kan ugu dhaqaalaha badan ee Yurub.
Ka dib markii Berlin ay cagojiiday maalmihii ugu dambeeyay, ka saarista Ruushka “Swift”, Masuuliyiinta Jarmalku waxay dabciyeen diidmadooda.
Sida ay sheegtay wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Bierubock Berlin waxay diyaar u tahay inay ogolaato xayiraado gaar ah oo ku aadan ka saarista Ruushka ee Swift, iyadoo xoogga la saarayo in xayiraadda si gaar ah loogu ciqaabo Moscow.
Waxaa la filayaa in wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Midowga Yurub ay ka doodaan go’aanka nidaamka “SWIFT” loogs saarayo dhowr bangi oo Ruush ah.
Gaaska Ruushku waxa uu qayb weyn oo (40%) kayahay tamarta jermalka, haddii laga saaro Ruushka nidaamka “Swift” waxay horseedi kartaa hakad ku yimaada qulqulka gaaska Ruushka ee Jarmalka yimaada, sidoo kale Waxay si weyn u carqaladeyn doontaa inay deeynbxiyayaasha reer lacagahooda ka helaan hay’adaha maaliyadeed ee Ruushka, deymahaas oo lagu qiyaasay balaayiin doolar.
Ruushka ayaa ku jira kaalinta shanaad ee dalalka xiriirka ganacsi laleh Midowga Yurub, waxaana xajmiga ganacsiga ee u dhexeeya labada dhinac ee uu sanadii 2020 gaaray ilaa 174.3 bilyan oo Yuuro, taas oo 79 bilyan oo kamid ah laga helo alaabaha Ruushku ka dhoofsado waddamada Midowga Yurub.
Nidaamka SWIFT ayaa fududeeya in lawadaago fariimo degdeg ah oo sugan, si lacagaha bangiyadu u lakala waregaan, In Moscow laga saaro hanaankan waxa ay carqaladayn doontaa ganacsiga ay lawadaagto inta badan dunida, maadaama uu yahay habka ugu sarreeya ee lagu maalgeliyo ganacsiga caalamiga ah.
Goormaa la aasaasay SWIFT?
Ururka Isgaarsiinta Maaliyadeed ee Caalamiga ah ee bangiyada oo loosoo gaabiyo ‘SWIFT’ ayaa la aasaasay 1973kii, shaqadeedana kum jirto kala wareejinta lacagaha, laakiin nidaamkeeda fariimaha, oo la hormariyay todobaatanaadkii qarnigii labatanaad kaas oo badalay adeegii fariimaha ee Telex, ayaa siisaa bangiyada hanaan isgaarsiin degdeg ah, oo sugan kaa oo qiims ahaana jaban.
Swift, oo xarunteedu tahay Belgium, waxay u hogaansatahay sharciyada Belgiam iyo Midawga Yurub, waana iskaashato hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, oo qeyb kayihiin bangiyada dhexe, bangiyada ganacsiga iyo hay’adaha kale ee maaliyadda adduunka.
Inkastoo ay ku sheegto barteeda rasmiga inay tahay dhexdhexaad, hadana waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanto cunaqabataynta dhaqaale ee ay soo rogaan goloyaasha fulinta ee Belgium iyo Midowga Yurub.
Swift waxay siisaa adeegyadeeda in ka badan 11,000 bangi, hay’ado lacageed iyo shirkado isugu jira kuwaa oo laga leeyahay in ka badan 200 oo waddan oo adduunka ah.
Saamileyda Swift ayaa soo doorta guddi maamul oo ka kooban 25 xubnood oo matalaya bangiyada adduunka, waxaana guddiga howshiisu ay tahay in ay go’aanno ka gaaraan maareynta arrimaha shirkadda, halka howlaheeda maamul ee maalinlaha ah ay maamulaan guddiga fulinta oo ka kooban 10 xubnood.
Wadamada Yurub, Mareykanka, Japan iyo Australia ayaa ku badan liiska guddiyada maamulkaiyo fulinta ee, iyadoo Ruushka hal matale oo kaliya uu kuleeyahay 25ka xubnood ee maamulka.
Kaliya Mareykanka ayaa ka horeeya Ruushka oo dalka labaad ee ugu weyn marka la eego tirada isticmaalayaasha nidaamkan, isagoo kuleh ilaa 300 bangi, tiradan ayaa ka dhigan in ka badan kala bar hay’adaha maaliyadeed ee Ruushka.
Waxaa lagu qiyaasaa in xajmiga macaamika maaliyadeed ee Ruushka loo marsiiyo SWIFT uu kor udhaafayo 800 bilyan oo doolar sannadkii.
Sannadka 2019-ka, adeegsiga bangiyada Iran ee nidaamka Swift ayaa la hakiyay, ka dib markii uu Maraykanku ku dhawaaqay inuu dib ugu soo rogayo cunaqabatayn saarnayd tehraan ka dib go’aankii maamulkii madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu iskii uga baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Iran.
Dawlada iran ayaa sanadii 2012kii laga saaray Swift, waxaana hoos udhacay 50% suuqa saliida ee dalkaasi iyo 30% wax soosasrka dibadda.
qaraarka ah in Ruushka laga saaro nidaamka Swift ayaa horay miiska loosoo saaray sanadkii 2014-kii, kadib qabsashadii Moscow ee gacanka Crimea, balse qodobkan aya ugu dambeyn meesha laga saaray, waxaana Ruushku uu xilligaa ku goodiyay in ka tallaabaadaasi ay lamid noqon doonto dagaal lagusoo qaaday.
Isku dayada iyo fullinta go’aanka lagaga saarayo Ruushka nidaamka SWIFT waxay ku riixi doontaa xukumadda Moscow inay horumariso nidaamkeeda wareejinta, iyadoo la kaashanaysa xulafadeeda si gaar ah Beijing.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Ruushku wuxuu abuuray kaabayaal dhaqaale oo u gaar ah si uu uga hortago cunaqabataynta reer galbeedka ee lagu soo rogay, ka dib markii Moscow ay dalkeeda ku dartay jasiirad u ekaha Crimea
Kaabayaasha maaliyadeed ee Ruushka waxaa ka mid ah nidaamka SPFS ee xawilaadaha bangiyada, oo ay ku jiraan 400 oo hay’ado maaliyadeed oo Ruush ah, iyo sidoo kale nidaamka lacag bixinta Mir Card ee la mid ah hababka “Visa” iyo “MasterCard”.
Xukuumadda ruushka ayaana qaaday dhowr tallaabo oo ay kaga hokor uguqaadeyso Kaabayaasha maaliyadeed ee Ruushka waxaa ka mid ah nidaamka SPFS ee xawilaadaha bangiyada, oo ay ku jiraan 400 oo hay’ado maaliyadeed oo Ruush ah, iyo sidoo kale nidaamka lacag bixinta Mir Card ee la mid ah hababka “Visa” iyo “MasterCard”.
Goobjoog News