Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey musharraxiinta lix kursi, kuwaas oo deegaan doorashaduudu ay tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
Kuraasta guddiga uu soo saaray ayaa waxaa uu tirsigoodu kala yahay HOP#275, HOP# HOP#253, HOP#050, HOP#230, HOP#083 iyo HOP#178, kuraastaan ayaa waxaa ku tartamaya 12 musharrax oo rag ah waxaana lagu dooranayaa Baydhabo .
1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#030, waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Prof Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi). waxaana hadda ku tartamaya musharraxiinta kala ah, Jaamac Taqal Cabaas iyo Cabdi cali Cumar.
2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#253 : Waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Samiira Ibraahim Cumar, waxaana ku tartamaya musharraxiinta kala ah Aadan Maxamed Cali Xaamud iyo Cabdulkhaadir Ibraahim Buule.
3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#275: Waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Sheekh Shaakir Sheekh Maxamed Xasan, waxaana u tartamaya musharraxiita kala ah Cabdisataar Xasan Cali iyo Ismaaciil Ciid Maxamed.
4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#183: Waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Sandheere Maxamed Iftin, waxaana u tartamaya musharraxiinata kala ah Mukhtaar Maxamed Guuleed iyo Xuseen Ali Aadan Maxamed.
5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#050: Waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdiwahab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, waxaana u tartamaya musharraxiinta kala ah Maxamed Ibraahim Aadan iyo Axmed Nuur Sheekh Maxamed Lahos.
6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#178: Waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10-aad xildhibaan Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) waxaana u tartamaya musharraxiinta kala Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Bile Xasan Cabdi oo musharrax ah.

Goobjoog News