Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.
Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#004, HOP#011, HOP#063 iyo HOP#135, kuwaas oo baarlamaankii 10-aad ay ku fadhiyeen xildhibaanada kala ah
HOP#004: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoone.
HOP#011: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
HOP#063: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.
HOP#135: Kursigaan ayaa waxaa ku fadhisay xildhibaanada Aamina Maxamed Cabdi, waxa uuna kamid ahaa kuraasta ugu saamaynta badan baarlamaankii 10-aad.
Kuraastaan ayaa lagu wadaa in maalinnimada Isniinta ah lagu doorto magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
