U bood dhigaalka

Doorasada Golaha Shacabka Koonfur Galbeed Oo La Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaalia ayaa waxaa maanta lagu doortay kuraastii ugu dambaysay golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, ee deegaan doorashadoodu tahay deegaannada Koonfur Galbeed.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#0204, waxaa kusoo Baxay Isaaq Cali Subag, kaas oo 81-cod kaga guulaystay musharraxii la tarmay ee Nuur Isaaq Sheekh oo ka tartamay musharraxiinta kala ah Nuur isaaq sheekh oo 19-cod, guud ahaan codadkii la dhiibtay, majirin cod halaabay, waxaana goobta soo xaadiray oo codkooda dhiibta 100 Ergo oo loo diiwaan geliyey kursiga.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#047 ayaa waxaa kusoo baxday Xaawo Sokor Cali, taas 79-cod kaga adkaatay musharrax Fadumo Maxamed Isaaq oo 18-cod ka heshay,  codadkii guud ee Ergada, majirin cod halaabay, sida uu shaaciyey guddiga.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#181 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Maryan Macalin, taas 83-cod kaga guulaysatay  musharrax  Isaag Asli Maxamed Isaaq oo 18-cod ka heshay guud ahaan codadkii Ergada oo aheyd 101 Ergo, majirin cod halaabay sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka.

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#179 ayaa waxaa kusoo baxayMaxamed Keerow Maxamed,kaas 81-cod kaga guulaystay Musharrax Nuur Xuseen Cali oo 20-cod ka helay guud ahaan codadkii ergadu ay dhiibatay 101 cod ay gaarayaan sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka.

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 172ayaa waxaa kusoo baxay Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed, waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Garweyne .

6: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#164 ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Abuukar Cabdi oo ah wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka  Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.

7: Kursiga tirsigiisu yahy HOP#197 Cumar Cali Isaaq (Balash), waxaana uu yahay guddoomiyaha gobolka Bay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan  Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.

Goobjoog News