U bood dhigaalka

Hirshabeelle: SEIT Oo Shaaciyay Odayaasha Dhaqanka Laba Kursi

Abriil 13, 2022

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo dooraneyso ergooyinka laba kursi.

Kuraasta kala HOP#106 iyo HOP#024 oo dhawaan lagu dooranayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa la shaaciyay odayaashooda dhaqanka.

HOP#024: waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabduqadir Carabow Ibraahim

HOP#106: waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Miina Xasan Maxamed.