U bood dhigaalka

Farmaajo iyo Xulafadiisa oo Looga Adkaaday Doorashada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya

Guusha Aadan Madoobe ee hoggaanka golaha shacabka ee arbacadii iyo guushii Cabdi Xaashi ee doorashadii aqalka sare ka dhacday 26-kii bishan waxaa ay soo afjareen cahdigii iyo waqtigii maamulka Farmaajo, iyada oo Soomaaliya ay cagta saartay isbadal fikir iyo maamul oo ka dhan ah maamulkaasi.

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ka tirsanaa sanadihii tagay dadkii hortaagnaa maamulka Farmaajo iyada oo mucaarad ku ahaa siyaasadihiisa keligii talisnimada iyo muddo kordhinta ahaa, Xaashi waxaa uu ahaa guddoomiyaha aqalka sare halka Madoobe uu ka tirsan hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Tartankii ka dhacay aqalka sare, maamulka Farmaajo waxaa uu riixayey Saalax Axmed Jaamac iyo Cabdixakiim Maalin halka golaha shacabka uu Farmaajo la doonayey Xasan Cabdi Nuur, laakin kulligood waa laga adkaaday.

Guuldarrada Farmaajo ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay fursad siineysaa isbadal ku dhaca siyaasado badan oo lagu diidanaa sanadihii tagay, waxayna hubanti la’aanta ka saareysaa siyaasadaha amni, dhaqaale iyo bulsho ee mugdiga ku jiray.

Dalka waxaa uu marayaa xalad adag, oo ay meesha ka baxday kalsoonidii lagu qabay hey’adaha amniga, oo qeyb ka noqday loolanka jiray, iyada oo uu Farmaajo marar badan u deegsaday caburinta mucaaradka halkii uu u adeegsan lahaa xoreynta dalka iyo dib usoo celinta amniga.

ATMIS, oo ku jira xilli kala guur ah ayaa la ceriyey mas’uulkii ugu sareeyey, waxaa uuna eersaday isaga oo ku milmay siyaasadda, taageerana u ahaa Farmaajo, taasi oo ku tuseysa in Farmaajo keliya aanu adeegsan hey’adaha amniga ee Soomaaliya balse uu u dhacay ATMIS.

Dhaqaalaha, waxaa Soomaaliya ka aamin baxay hey’adaha deeqaha bixiya, iyada oo midowga Yurub iyo Mareykanka ay jareen kaalmadii ay siin jireen Soomaaliya, taasi oo sababteeda lahaa maamulka Farmaajo.

Waxaa gebi ahaanba istaagay barnaamijyadii socday ee deyn cafiska iyada oo marar badan la sheegay in hannaankaas uu halis ku jiro haddii aanu dalka isbadal ka dhicin kahor June 2022-ka.

Marka laga soo tago amniga iyo dhaqaalaha, isbadalka cusub ee ka dhanka ah Farmaajo waxaa uu fursad u noqon doonaa in la helo siyaasad arrimo dibad oo deggan, iyada oo sidoo kale dib usoo noqon doonaan maalgeshiga caalamiga ah.

Goobjoog News