U bood dhigaalka

Muxuu Jacaylku iiga Dhigan Yahay?

Sheeko:War

Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay dhul ommos ah oo ay abaari engejisay oo uu roob mahiigaan ahi helay. Waxa uu jacaylku iiga dhigan yahay hooyo madhasho ah iyo aabbe gablan ah oo uu Eebbe-Weyne wiil ku mannaystay. Wiil sidii Yaxye nebi ah. Wiil ay iska dhaleen nebi Sakariyihii da’da ahaa iyo haweenaydiisii madhashada ahayd.

Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay ruux indhoolanimo ku weynaaday oo uu arag oo dhan ka baynuunay, in uu waagii danbe ku ka la indho qaado isaga oo dhinac jiifa ooridiisa quruxda loo dhammeeyay ee aanu marna indhaha ka qaadin noloshiisa oo dhan. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay Yooniskii saddexda mugdi gudahood looga gargaaray ee uu Eebbe-Weyne ducadiisa aqbalay.

Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midkii nebi Yacquub indhaha tiray sidii uu ugu ilmaynayay wiilkiisii nebiga ahaa ee Yuusuf. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midkii uu nebi Aadan u qabay wiilkiisii Haabiil. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midkii nebi Maxamed u qabay saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubakar iyo midkii uu Nebigu u sheeganayay Mucaad ee uu ku lahaa, “Allaan ku dhaartaye, Mucaadow, waan ku jeclahay.”

Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midkii uu Eebbe-Weyne nebi Ibraahin isaga oo yar ku doortay ee uu jaal ugaga yeeshay. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midka uu Eebbe-Weyne u hayo addoomadiisa tabarta daran ee uu had iyo goor ugaga cafiyo denbiyada ay ka galaan. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay juuqli’da dadka iyo jewiga deggan ee xeebta Liido. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay daawashada abuurta Alle iyo samaysankooda. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay ruux harraad qaba oo biyo doondoonaya.

Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay salaadda habeenkii ee aan Eebbe-Weyne daraaddiis u cagadhiigayno. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midka aan nebi Maxamed u qabno ee aan nafteenna, maalkeenna, ehelkeenna iyo wax wal oo nagu weyn ugugu hurayno. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midka uu nebi Maxamed u qabay magaaladiisii Maka ee ay gaaladu ka saartay. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midka uu Eebbe-Weyne ku bariyeelay Caa’isha. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay Jannaynta Eebbe uu i Jannayn doono aniga oo kun jibbaar denbi ah ifka ku dhex galay.

WQ: Aar Aw Fiqi
Email: [email protected]