U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Imaaraadka Kala Wareegtay Deeq Gargaar ah

Sheeko:War

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay deeq raashin gargaar ah, taas oo loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ay saamaysay abaarta baahsan ee ku dhufatay dalka.

Deeqdaan ayaa waxaa siday markab soo gaaray dekadda Muqdisho, waxaana lagu sheegay 1000 tan oo raashin kale duwan ah, waxaana ay jireen ilaa 40 Kunteenar sida wararku ay sheegayaan.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir)  oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii deeqda  gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana ka faa’iidaysan doona 2.5 malyan oo ay saamaysay abaarta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay ugu ballan qaaday dowladda Soomaaliya in ay ka taageeri doonto sidii loola tacaali lahaa abaarta baahsan ee ka jirta dalka oo dal iyo duunyo saamaysay.

Goobjoog News