U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug oo Meelmariyay Degmooyinka Baxdo iyo Wisil

Sheeko:War
Golaha baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug oo ku shiray magalaada Dhuusamareeb  kulankoodii caadiga ahaa, ayaa  waxaana shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr Maxamed Nuur Gacal oo ay wehliso gudoomiyaha ku xigeenka labaad Faadumo Cabdi Cali.
kulanka  Baarlamaanka ayaa  waxaa diiradda lagu saaray ka doodistaku meel mariyay Degmeynta, Degmooyinka Wisil iyo Baxdo, kuwaas oo dhowaan ay golaha wasiirrada ay soo gudbiyeen, in ay kamid noqdoon degmooyinka dowlad Goboleedka Galmudug, golaha wakiillada ayaa meelmariyay.
 Baarlamaaanka kulankiisa oo ay soo xaadiriin 52 mudane, iyagoo si aqlabiyad leh u ansixiyeen Degmeynta Wisl iyo Baxdo
gudoomiyaasha degmooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug uga mahad-celiyay Ansixinta Degmooyinka Baxdo iyo Wisil.”
Golaha wasiirrada ayaa horay u meel mariyay labadaan degmo oo kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana loo soo gudbiyay golaha wakiillada iyagoo ugu dambeyn meel mariyay in ay noqdaan degmooyin buuxa, waxaana lagu wadaa in dhowaan ay yeeshaan gole deegaan oo dadka u adeega.
Goobjoog News