U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ee Jaamacadda Carab?

Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda feferalka Soomaaliya Ambassador Abshir Omar Huruse iyo wafti uu hogaaminayay ayaa ka qayb galay shirka 158-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee ururka  Jaamacadda Carabta, kaas  oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Kulanka Waxaa looga hadlay iskaashiga dawladaha carabta iyo arrimaha hadda taagan ee khuseeya waddamada carabta, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee saamaynta ku leh shucuubta carabta, waxaana ka qeyb galay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta.
Waxaa si aad ah looga hadlay xaaladda soomaaliya, gaar ahaan sidii dawladda Soomaaliya garab looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha ammaanka iyo abaaraha, taas oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Goobjoog News