U bood dhigaalka

Madaxweyne Putin oo heegan geliyay ciidamada difaaca Ruushka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in uu heegan geliyay dhammaan ciidamada difaaca dalka Ruushka.

Putin oo shacabka dalkiisa kala hadlay talefishinka qaranka, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay uuna qaadayo tallaabo walbo oo lagu difaacayo madaxbanaanida shacabka Russia.

“Waxaan adeegsan doonaa awood kasta oo lagu difaacayo shacabka” ayuu yiri xilli uu warbaahinta qaranka Ruushka, ka hadlayay madaxweyne Putin.

Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in heegaanka uu geliyay ciidamadiisa, ay saameynayaan ciidamada keydka ee Ruushka.

Putin ayaa carabka ku dhuftay in uu qaadayo tallaabo walbo oo uu ku difaacayo shacabka iyo dadka ku nool gobalka Donbas.

Goobjoog News