U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo Alshabaab oo ku dagaalamay deegaan hoostaga gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Carocaso oo hoostaga degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo, ayaa sheegaya in goordhaw deegaanka uu ka bilawday dagaal u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo ururka alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku soo qaadeen deegaanka oo ay ku sugnaayen xubna ka tirsan ururka alshabaab.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse wararka horudhaca ah ee aan ka heleyno deegaanka ayaa sheegaya in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaannada qaar ayaa muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Goobjoog News