U bood dhigaalka

Faah-faafin weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo lagu qaaday Hotel Wehliye

Sheeko:War

Weerar ku bilawdey qarax xooggan ayaa ka dhacey hotelka weheliye ee ku yaal wadada Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka qaraxa kadib ayaa waxaa la sheegay inay gudaha u galeen hoteelka kooxo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna Hotelkaan kamid yahay hoteelada ugu nabdoon magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, oo illaa iminka lasoo sheegayo in kooxdii gudaha u gashay hotelka ay aad u dagaalamayaan.

Waxaa lasoo sheegayaa saraakiil sare oo ciidamada amaanka ka tirsan in ay ku dhaawacmeen weerarka.

Tirada dhimasha ayaa lasoo warinayaa in ay gaareyso ilaa 4 sargaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka iyo 7 kale oo dhaawac ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatey masuuliyadda weerarkan, waana weerarkii ugu horeeyey oo sidaan oo kale ah oo kooxdu ku qaado hoteelada waawayn ee Muqdisho, tan iyo doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada Ammaanka ayaa wado dadaalo kooxdaan looga saarayo Hotelka oo ay ku jiraan dad u badan shacab.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad uga bogan doontaan wararkeena dambe inshaa Allah.