Deni oo Boosaaso kula kulmay madaxda DP-WORLD
Sheeko:Dalka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2023/01/FB_IMG_1674549029312.jpg)
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay wafdi uu hooggaamiyo agaasimaha shirkadda DP-world ee bariga dhexe.
Deni ayaa wefdiga uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, kala hadlah mashaariicda dekedda Boosaaso.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso. Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.