Canada oo wariye u magacaawday in uu kala taliyo falalka Muslim Naceybka
Sheeko:Dalka
Dowladda Canada ayaa wariye Amira Elghawaby u magacawday ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Islaam naceybka, kadib soo noqnoqoshada falalka liddiga ku ah bulshada Muslimiinta ah ee ku nool dalkaas.
Amira Elghawaby ayaa ahayd wariye u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxaana ay mudda dheer ka shaqeyneysay warbaahinta.
Haweeneydaan ayaa Canada u qaabilsanaan doonta tacadiyada iyo falalka amniga ka baxsan ee ay la kulmaan muslimiinta ku nool Canada.
Dalka Canada ayaa sanadkii 2021 waxaa ka dhacay fal ay ka argagaxeen shacabka dalkaas, kadib markii nin gaari wata uu weeraray muslimiin badan, taas oo sababtay dhimashada afar qof iyo dhaawaca 9 qof.
Goobjoog News