U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ayaa kala ah:

1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga

2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha

3. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkaan shaqoodu tahay mid si hamsami leh u socota, iyaga oo meel mariyay sharciyo dhowr  ah, kuwaas oo horay uga soo gudbay golaha wasiirrada.

Goobjoog News