U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Maarso 1, 2023

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ayaa kala ah:

1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga

2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha

3. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkaan shaqoodu tahay mid si hamsami leh u socota, iyaga oo meel mariyay sharciyo dhowr  ah, kuwaas oo horay uga soo gudbay golaha wasiirrada.

Goobjoog News