U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku leh magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho’ gaar ahaan xaruntooda Villa Hargeysa.

Ajandayaasha looga hadlaayo ayaa kala ah:

1: Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Socdaalka

2:Dhamaystirka dooda warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada

3:Ka doodista warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta

4:Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkii dambe soo saarayay sharciyo cusub, kuwaas oo kasoo kala gudbay wasaarado dhowr ah, waxaana golaha dhowaan lagu wadaa in ay ka doodaan wax ka bedelka Dastuurka dalka.

Goobjoog News