U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Taliyaaniga

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku-simaha Madaxweynaha dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi.
Kulanka Guddoomiyaha iyo safiirka dalka Taliyaaniga ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee taariikhiga ah, kaas oo muddo soo jireen ah , waxaana si gaar ah diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira taageerada iyo mashaariicda hormarineed ee Taliyaanigu ka fuliyo Soomaaliya.
Danjiraha ayaa Guddoomiyuhu u soo gudbiyay dhambaal uu ka siday Baarlamaanka dalkiisa ee ku aaddanaa wadashaqeynta labada baarlamaan, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan deyn cafinta iyo shuruucda muhiimka u ah dalka ee laga rabo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Dowlada Taliyaaniga garab istaaga Dowlada Soomaaliya Iyo sida ay qeyb uga qaadanayan la dagaallanka argagaxisada iyo deyn cafinta, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Taliyaaniga xiriir wanaagsan yeelan doonaan dhawaan.
Goobjoog News