U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Milatariga Sudan oo Shaqada Ka Ceyriyay Ku-xigeenkiisa

Sheeko:Caalamka

Taliyaha ciidamada Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisa iyo taliyaha ciidamada degdega ah ee RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti, kaas oo xilligaan dagaal adag kala soo horjeeda hoggaamiye Al-Burhaani oo Milatariga xukuma.

Gen Burhaan iyo Hemedti labaduba waxay soo ahaayeen guddoomiye iyo ku-xigeenka Golaha Sare ee talada haya, siday u kala horreeyaan, tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii ee afgambigii militariga oo ay xukuumaddii Rayidka aheyd meesha ka saareen, taas oo khilaaf ka dhex abuurtay.

Wareegto soo baxday Jimcihii, Gen Burhaan ayaa ku xigeenkiisa ugu magacaabay hoggaamiyihii hore ee fallaagada Malik Agar. Mr Agar sidoo kale waa xubin kamid ah Golaha Sare, hoggaamiyaha xilka laga qaaday ayaa xukuma xoogagga gurmadka Degdega ee RSF oo ka amar qaata Daqalo.

Waxa uu faray xoghaynta Golaha Sare iyo hay’adaha ay khusayso in si deg deg ah loo dhaqan geliyo wareegtada, waxaana xilka ka qaadistiisa kusoo aadaysaa, xilli wadahallo ay u socdaan dhinacyada isku haya awoodda Sudan, waxaana dhaqan gashay xabad joojin ay dhinacyadu ku dhawaaqeen.

Goobjoog News