U bood dhigaalka

Qurbojoogta Turkida oo Maalintii Labaad Codkooda Dhiibanaya, Xilli Isxulufeysiga Xisbiya uu Bilowday

Sheeko:War

Muwaadiniinta dalka Turkiga ayaa maalintii labaad codadkooda ka dhiibanaya wadamada caalamka goobo kamid ah oo loo asteeyay in ay ka codeeyaan Qurbajooga, Wareegga labaad ee doorashada, waxaana codeyntu ay socon doontaa ilaa 24-ka May , iyadoo siweyn ay ugu tartamayaan labada xisbi ee AK Partty ee hoggaamiyo Erdogan iyo xisbiga mucaadka ah ee Jamhuuriga uu u sharaxan yahay ninka lagu magacaabo Kemal Kılıçdaroğlu.

Doorashada Qurbajoogta ayaa saameyn badan ku leh doorashada gudaha, Sanaadiiq codbixinta ayaa waxaa lakala dhigidoonaa ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, waxaana sanaadiiqda codadka la geyn doonaa Turgiga si halkaas loogu tiriyo , iyadoo siweyn loo sugayo amniga Sanaadiiq codadka, waxaana sidoo kale olole aad u xooggan uu ka socdaa gudaha dalka oo 28-ka loo dareerayo wareegga labaad.

Wareegga labaad ee doorashada gudaha dalka Turkiga ayaa waxaa siweyn isugu haya musharaxiinta ugu codka badan ee kala hoggaaminaya xisbiga AK Partty iyo Xisbiga mucaaradka ah, waxaa soo sedexaaye Sinan Ogan oo uhoggaamiya National Muvement Partty waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu la midoobi karo xisbiga AK Partty ee uu hoggaaminayo Recep Tayyip Erdogan, kaas oo markii sedexaad doonaya hoggaanka dalka Turkiga  .

Sinan Ogen ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ku adadag Diinta Islaamka, taas ayaa keenaysa inuu ka weecdo Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo sheegay inuu doonayo inuu kala saaro Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, sidii uu hore uu u sameeyay ninkii dhidibada u taagay Jamhuuridda dalka Turkiga Mustafa Kemal Ataturk, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad ula dhacsan siyaasadaha reer Galbeedka iyo dowladda Mareykanka.

Doorashada dalka Turkiga ayaa waxaa la saadaalinayaa in sanadkaan ay macquul tahay in wareegga sedexaad loo baahdo maadaama dadka Turkida ay u kala jabeen kuwa taageersan Xisbiga talada haya AK Partty iyo xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga oo doonaya dhankooda isbedel cusub iyo xukunka dheer ee AK Partty lasoo koobo, waxaana magaalooyinka waa weyn sida Istanbul iyo caasimadda Ankara laga dareemayaa olole xooggan.

Doorashada Turkiga sanadkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu galayo qarni cusub, 2023, kadib markii ay u soo idlaatay cunaqabateyntii la saaray dhicitaankii dowladdii Cismaaniyiinta oo laga joogo muddo 100 sano ah Turkiga ayaa waxaa dhidibada u taagay Mustafa Kemal Ataturk, hoggaamiyihii xisbiyada Midoobay, waxaana uu ahaa shaqsi aad ula dhacsanaa siyaasadda reer Galbeedka iyo Mareykanka.

Goobjoog News