U bood dhigaalka

Mas’uul Mareykan ah oo 5 Kadib Booqasho Ku Tagay Caasimadda Shiinaha

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ninka lagu magacaabo Antony Blinken ayaa booqasho labo maalin qaadan  doonta  ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee diblumaasi Mareykan ah uu ku tago Shiinaha ku dhawaad ​​shan sano, oo aysan jirin cilaaqaad intaas gaaray oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee wadahadalka uu yahay in la dajiyo xiriirka kala dhaxeeya Shinaha oo noqday mid aad u kacsan.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya ku dhawaad ​​shan bilood ka dib markii booqashadii hore ee Blinken dib loo dhigay, ka dib markii hawada Mareykanka lagu arkay buufinta basaaska ee loogu shakisanyahay china.

Goobjoog News