U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Xoghayaha Difaaca Mareykanka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.
Austin ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka waxa uu ku sheegay argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo Al-shabaab ku sugnaayeen muddo dheer.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa Sidoo kale ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Goobjoog News