Lafagurka Buugga Boojin: Dookha Gabadhaada Tixgeli.
Buugga Boojin, waa buug gacanteyda soo galay 14-05-2023-da, markaas oo ahayd bandhiggisii London, oo aan qayb ka ahaa, ahaana ruuxii daadihinayay. Uma aanan helin kansho aan xilligaas akhriskiisa ku bilaabo, waayo waxaa gacanteyda ku jiray afar kale, waxaanse u soo jeestay bishan anoo dhammeeyay.
Buug walboo aan akhriyo, waxaan jeclahay in aan isku dayo in aan ka qoro dhawr qodob oo aan ku soo koobayo nuxurka buuggaas. Tan oo runtii qoraagana dhiirigalin u ah, akhristayaasha uusan buuggaan weli soo gaarinna fikir ka siinaysa uu hadduu xiiseeyana, ku raadsado, haddii kalena uu mar walba wax uun ka haysto buuggaan.
Aan ku billaabo magaca buugga Boojin, oo markii iigu horreysay ee aan maqlo ayaan isweydiiyay Soomaali ahaan waxa uu noqonayo. Abwaan Maxamed Cabdi Nuur, ayaa igu wargashay in uu u yaqaan “Gabdhaha xooga lagula aqalgalo” asagoo daba dhigay “qoraagu ma reer Baydhabaa?” oo uu ula jeeday in ereygaas boojin uu degaankaas u saarayay, sidii bayna noqotay, waa micnehee. Qof walba oo arkana magaca buugga ayuu su’aal galinayay, kaas oo ah erey Soomaaliyeed, laakiin sida muuqatay u badan in laga tagay, waloow ficilkii uu tilmaamayay weli uusan salguurin oo lagu dhaqmo ama dhacayo weli, halka ereygii ku qumanaa in loogu yeerana uu sii lumayo. Tan waxa ay tilmaan naga siinaysaa sida marka la yiraahdo afku khatar buu ku jiraa ay dhab u tahay. Qoraaguna waa ku mahadsanyahay nooleynta ereyga uu magacan buuggiisa u xushay.
Ma ahan xulashada kaliya in uu qoraagu ereygan u adeegsaday, balse sheekada buuggaan ayaa ku qotonta boojin. Waxaa intaa dheer dhaqanno badan oo raad xun ku reeba gabdhaha Soomaaliyeed in aad buuggaan ugu tageysid, kuwaas oo aan ahayn kuwii ay ka filayeen dadka ayba ka filan kareen xumaanta, balse noqda kuwo uga yimaada kuwii dad ugu xigay, lagana yaabe in ayba noqdaan labadii dhashay, ayagoo dhaafsanaya adduun, ama mararka qaarkood u hoggaansama xeerar iyo dhaqan la leeyahay reerahay u dhaxeeyaan, kuwaas oo ay ka dhigaan dabar aan la dhaafi karin, ayada oo aan la eegeyn aayaha gabadha yar ee mustaqbal qurux badan ka rajeynaysay adduunkaan.
Sheekadan Boojin, waxay ku xilliyeysantahay in ay dhacday 2000, goobtuna ahayd magaalada Muqdisho. Waad qiyaasi kartaa qofkii Muqdisho ku noolaa waqtigaas, oo ay ahayd meel u kala xir-xiran qab-qablayaal qaarba aag meegaartay. Dhallinta waqtigaas ku kortay ee waxbarasho iyo rajo ay u muuqatay, ayna u dheerayd mustaqbal iyo hammi ay hiigsada is lahaayeen, kaas oo aad is oran lahayd umaba muuqan, wallow in badan oo xilligaas joogay ay bartilmaameed u ahayd ay is lahaayeen maalin uun baad ka jibiggaari doontaan ayaa sheekadan kaaga dhex muuqan doonta.
Akhrinta Boojin, waxaad ka helaysaa in ay ku tusto sawirka dhabta ah ee dhallinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa marxalladda noocaas ah. Waxaad ku arkeysaa kuwii ay gacanta ku dhigeen dagaal-oogayashu ee u hoggaansamay arragtidoodii iyo kuwo aysan weli ku duxin, diidmadooda fikradahaas qalloocan iyo qabyaaladduna ay ahayd kuwo ay la soo banbaxayeen, daadafeynayeenna kuwa dhiggooda ah ee ay ka dhex guuxayeen qabqablayaashu. Waxaad aad ugu qashuuceysaa barbaartaas nadiifka ah, adoo arkaya kuwa mustaqbalka danbe ee sheekada guuleysanaya in ay ayaga yihiin.
Muna, oo ah gabadha sheekadan salka u ah iyo qoyskeeda ayaa aad kuu soo jiidanaya. Qoys reer magaal ah, dabeecad ahaan furfuran, waloow saameynta kaliya ee waqtigu ku yeeshay uu ahaa in wiil ka noqday dhallinta suuqa gashay “Xaseey”, taas oo marmarka qaarkiisna ku tuseysa asaga macal xilliyada qaar in reerku u baahanayo, waayo kuwa kale ee dhiggiisa ah ee bahaloobay ciddii aan qof u haysan cagtaa la marinayay.
Waxaad aad uga helaysaa sida qoraagu uga turjumayo sheekada dhallinyarada, adoo ka dhadhansanaya marxalladda ay xilligaas ku sugnaayeen taas oo uu dareemi karo qofkii soo maray. Waxaadse marna aad maleysanayn sida uu qoraagu ugu laray humaag aad u sarreeya, bixinayana midabbo kala duwan.
Sheekada Boojin waxa uu qoraagu kula dagaalamayaa dhowr arrigtiyood ama tacaddiyood oo gabdhaha laga galay, boojinna waxa ayba noqon kartaa mid ka mid ah. Waxaad ka arkeysaa gudniinka fircooniga ah, oo dhinac haddaad ka fiirisid ah il dadka xirfaddaas yaqaan ka macaashaan, ayada oo aan la eegeyn dhibta ay la imaanayso, dhinacna ay caado iyo dhaqan lugta la galeyso. Mid kale ayaa ah bixinta iyo doonista gabadhaha oo lagu dhaqaaqo ayada oo aan lagala tashan gabadhaha iyo dookhooda, tanoo ay ka dhalato dhib aad u weyn.
Dhacdooyin dhowr ah oo naxdin leh ayaa ugu tageysaa buugga, ayna ka mid tahay gabdhaha jirkooda ka ganacsada qaar ka mid ah in ay ku riixeen markii ay ka carareen odey ama nin aysan rabin oo lagu qasbay, ka dibna markii garab iyo miciin ay waayeen ay gacanta u galeen kuwo ka faa’ideystay.
Waxay sheekadan i xasuusisay sheeko dhab aheyd oo markii danbana Radiyoow Muqdisho uu ka sii daayay Axmed Faarax Cali “Idaaja”, lana oran jiray Qansax Dheere, kana dhacday Mudug, kuna saabsanayd in labo odey ay ku heshiiyeen in labo gabdhood oo ay dhaleen is dhaafsadaan, gabdhihii markii midi odeygii la siiyay la aqalgashay, ayaa tii kale diidday una baxsatay magaalo, ayadoo markii danbe ka ciid gashay magaalada Muqdisho, kuna danbeysay in warbaxinteedii oo dhammeystiran uu sheeko ka diyaariyay Qoraa Idaajaa, taas oo keentay in wax badan la iska weydiiyo xilligaas. Ruwaayaddii If Iyo Aakhiro ayaa iyaduna sheeko ku dhow taas ku salaysnayd oo ah in gabadha shilmaan la dhaafsanayay.
Qoraaga Boojin oo runtii dhallinyaro ah ayaa sheekadiisa iyo meelaha ay ka duuleyso aad u kala sareeyaan, anoo mar aan la kaftamayay u sheegey in dhacdooyin badan oo ku xusan iyo da’diisa markaad isku fiirisid aad u kala weyn yihiin, tanoo aad ka dhaxli kartid tayada qoraaga.
Buuggan ayaa waxa aad marmar ku waalaneysaa qosol, halka marka xigana ay murugo kugu dhalineyso aad la ilmeysid. Waxaan si gaar ah uga helay jilniinka Ugaaska iyo Muraayad, oo labaduba kaa qoslinayaan. Qaylada Muraayad ee darisku ku yaqaanaan iyo marka Aabbaheed qabqablaha Jananka ah ee uu u shaqeyn jiray gabadhiisa siiyay. Jananka oo 70sano ka saramaray ayaa marka Muraayad loo aqalgeeyo uuna dharka iska dhigo oo ay aragto axadka ku liqdaaran iyo sida uu u egyahay matag madax uga billowday, asagoo laftigiisuna matag soo rogayo, badna ay noqoneyso uu ku kufo, ayaduna uga cararto.
Waxaase mucjiso ah Hooyo u dagaalameysa in ayada oo Odeygeedu kala tashan uu wiilkeedii curudka ahaa gabar u doonay, tanoo ay u aragtay sharaf ka dhac, gurigiina uga tagtay markii asbuuc maqnayd oo la soo guri ceshay, loona sheegey in gabadhii la iska daayay, ay markii gurigeeda ku soo laabatay ka warheshay in gabadhii ay doonayeen diidday wiilkooda, ay seken isku badashay dagaalna ku qaaday reerkii gabadha. Hadde waa gabadhii ay tiri ama ha la i furo ama yaysan reerka soo galin. Halkaas waxaad ka arkeysaa in aadmigu diidmadiisu ku xiran tahay kaliya xintan.
Isku soo wada duub, buuggan ayaa runtii bixinaya arragti ka sarreysa inta aan xusay. Waxa uu cashar ay wax ku qaataan u yahay qoysas badan oo aan dookha carruurtooda tixgalin. Waxa uu reebayaa caadooyin xun bulshadeenana saameyn ku leh. Waxa uu iftiiminayaa dad badan oo waqtigu ka hiiliyay meelaha iyo marxaladaha ay ku sugan yihiin in aysan ahayn kuwo ayagu doorteen, ee ay jirto mahalako heshay oo halkaas dhigtay, haddii ay helaan gacan u gargaartana ay ka bixi lahaayeen, waxaana caddeyn u ah Nimco oo ah gabar sheekadan qayb ka ah.
Boojin iyo qoraageeda ayaan leeyahay hambalyo, wuxuuna ii xisaabsan yahay sheekooyinka Soomaaliga ku qoran kuwa ugu sarreeya ee aan akhriyay waayahan. Mar labaad ayaan hambalyo leeyahay Qoraa Sakariye Cismaan, waxaan kaa sugnaa sheekooyin kale oo qiimo leh.