U bood dhigaalka

Muxyadiin Ciid

Muxyadiin Ciid, waa madaxa Madbacadda Ciid, ee saldhigeedu yahay Boqortooyada Ingiriiska, magaalada London. Sidoo kale waa qoraa curiya sheekooyinka mala’awaalka ah iyo kuwa kaleba. Buugtiisa mala’awaalka ah waxaa ka mid ah Godob iyo Geeri, iyo Qori Ismaris. Halka buuggiisa Xasuustii Habeenkii Madoobaa, uu ka qoray qiso doon ku degtay xeebta Milindi, Kenya, shilkaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 400, oo qof oo Soomaali ah.

Dhinaca kale Muxyadiin waa Hal-abuure leh maansooyin uu curiyay ayna ka mid ahayd Dawo Weeye Maansadu 2009-kii, oo uu ka curiyay qaraxii Hotel Shaamoow, ee dhallintii aqoonyahanka ahaa lagu xasuuqay. Madbacadda Ciid, oo uu madaxda u yahay ayaa daabacday ku dhawaad 16 buug, oo iskugu jirta nooc walba, u se badan luuqadda Soomaaliga