U bood dhigaalka

Falanqeynta Buugga EBYAN, ee ay Qortay Faadumo Yuusuf Derbi.

Buugga Ebyan Waqti iyo Waayaha Jacayl waa buug ka kooban 276 bog, soo baxay 2023, kana mid ahaa buugtii lagu soo bandhigay Somali Week Festival, London.

Inta aanan guda galin buugga Ebyan, habeenkii la soo bandhigayay ayaa runtii aniga ii ahaa habeen iiga duwan habeennada kale oo goob caynkan oo kale ah aan markhaatiga u ahaa. Waa habeen fadhi la iskugu keenay shan gabdhood oo Soomaali ah, shantuba qoraa yihiin. Waxaa u dheeraa qoraannimada aqoonta (Mid diineed iyo mid kaleba) iyo garaadka uu Alle ku manneystay gabdhahaas Soomaaliyeed, tanoo aan si gaar ah Eebbe weyne uga mahadceshay in Soomaali ka dhaliyay haween garashadaas leh.

Aan u soo laabto buugga EBYAN, qoraa Faadumo, waxa ay u dooratay magaca buugga gabadha sheekada ku socoto oo magaceedu yahay EBYAN. Ereyga Ebyan, ayaa Soomaali ahaan marka loo macneeyo noqonayaa “wax dhammeystiran oo aan daldalool lahayn”. Gabadha wadata magaca Ebyan, oo sheekadan xuddunta u ah ayaa marka aad eegtid sifooyinka ay kulansatay waxaa kuu muuqanaya in magacu uusan ahayn mid micno darro u baxay. Dhinaca kale ayuu waxa uu huwan yahay micno kale oo noqon kara sheekada buuggaan ama qisada jacaylka buuggan in ay tahay mid dhinac walba ka dhammeystiran.

Qisada jaceylka buuggan ayaa ah mid u dhaxeysa Ebyan iyo Hanad, oo ah ardey ku nool Mareykanka, Jaamacadna wada dhigta. Waa sida qoraaga buuggu raacisay magaca Ebyan’e waxa ay daaran tahay “Waqti iyo waayaha jacayl” ay u soo mareen reer in ay wada unkaan. Waxaa qisadu xambaarsantahay farriin ay u direyso in badan waxa jacaylka dhammeystirani noqon karo. In badan oo dhallinta maanta ah ayaa si qaldan, ama macnaha dhalanteedka ee jacaylka loo turjumay u haysta kan ay ka daawadaan filmaanta Hindida ama Reer Galbeedka, ayaga oo aan war u hayn tii ay raadka u lahaayeen ee dhaqanka iyo diinta salka ku lahayd.

Waxaan xasuustaa buugta jacaylka ee qorayaasha Soomaaliyeed hore u qoreen in intooda badan ay ka soo minguurin jireen sida kuwa reer galbeedka loo qoro, ayagoo is illowsiinaya dhaqankiyo hiddihii ay lahaayeen amase diintoodii oo laga rabay in ay sal uga dhigaan hab qoraalkooda iyo farriinta mar walba ay dirayaan.

Haddaba buugga Ebyan, sida iiga soo baxday waxa ay qoraagu u dooratay dhowr qodob in ay sheekadan xuddun uga dhigto, kuwaas oo kala ah:

1: Hab dhaqanka wanaagsan ee lammaanaha kalgaceylku ka dhexeeyo la rabo in ay u sheekeystaan “Xod xodashada ama shukaansigooda inta lagu guda jiro”.

2: Dhaqankii hore iyo raadkii soo jireenka ahaa ee salka u ahaa bulshadeenna Soomaaliyeedna in aan laga tagin.

3: Diinta Islaamka iyo qiimaha ay ku yeelan karto qoys ama guri cusub oo la rabo in la unko hadda. Gurigii aasaaska looga dhigana in uu noqonayo guri ka qurux badan guryaha kale oo dhan.

4: Waxbarashada casriga ah iyo sida qoyska Muslimka ah, Soomaaliga ah ay iskula jaanqaadi karaan ayada aan culeys lagu saarin gabadhu in guriga uun fadhido.

5: Samirka iyo dulqaadka labada is jacel laga rabo, in uu mid walbaa u damqado kan kale si guusha u wada gaaraan

6: Talo saarashada Eebbe iyo ku kalsoonaanta Alle, ayadoo haddii ay dhacdana ay guushu kuu soo degdegayso.

Lixdaas qodob ayaan u xushay qisada buuggaan in ay ku duugan tahay, waxaadna kala soo dhex bixi kartaa hadba marxaladduu sheekada marsiinayso qoraagu. Boggaga ugu horreeya waxa ay muujinayaan hab dhaqanka wanaagsan ee gabadha iyo wiilka isku cusub la rabo in ay isku bartaan; wada sheekaysigooda, meesha ay ku kulmayaan, dharka gabadhu xiranayso ayada oo aan jirkeeda muujinayn iyo goobta kulanku ka dhacayo.

Ayeeyo iyo kaalinteeda ayaa kula soconaya buugga, ayada oo kuu soo gudbinaysa dhaqankii asalka u ahaa bulshada, iyo sida wanaagsan ee reer laga rabo mustaqbal dheer lagu dhisi karo. Dhinaca kale waxay gabdhaha siinaysaa wixii khibrad ah ee ay dheer tahay iyo wixii ay usoo joogtay.

Dugsi oo ah goob ay ku bartaan diinta kuna dhextaal masaajid ayaa ahaa halka ay casharrada diinta ah u tagayeen Ebyan iyo gabdho kale ayadoo, sida aan filayo, qoraagu u dooratay in si dadban ay darsiyada diinta halkaas nooga soo gudbiso si ay noo barto waxa xaqa ah.

Isbarbardhiga dhaqanka reer galbeedka dhallintii ku dhalatay iyo kuwii watay dhaqankii Soomaaliyeed marka ay is guursadaan, iyo sidii ay isku fahmi lahaayeen labadaas dhaqan ee kala fog ayaa qoraayaddu si farshaxan ka muuqdo kuugu bidhaaminaysaa.

Aqoonta iyo shaqada gabadha waxbaratay iyo sida ay reer u dhaqan karto ayaa darsiyada kale ee buuggaan ku xardhan ka mid ah.

Damqashada lamaanaha is jecel laga rabo ayaa xuddun u ah sheekadaan, waana meesha ay ku qotonto nuxurka buugga Ebyan. Ebyan wiilkii ay ku heshiiyeen wax walba ayaa si tartiib ah uga goosanaya sheekada, waa Hanad’e. Ka goosashadaas waxa ay utun ku noqoneysaa Ebyan, wiilkii beerkeeda lulay, ay sawiratay nolosha ruux aan isaga ahayn in ay la wadaagayn, ehel iyo asxaab ay isku ogaayeen, ayaysan heyn meel ay ku sheegto iyo wax ay ka sheegto. Qaadan waa’ ayay ku noqonaysaa. Waxay is leedahay haba uu ku diidee maxuu kugu diiday! Waxa ay gaareysaa in shaqadii wadi weydo, dhibsatana weydiimaha uga imaanayay dadka.

Waxaase ka daran in uusan intaas Hanad moogeyn, balse daruufo la soo darsay ay u diidayeen in gabadhaas walaashiis ah ee wadnaheeda siisay uu uga tago murugo iyo caloolxumo ka weyn tan hadda ay qabto, taas oo ah in inta uu maalmo la seexdo, kaddib marka uu xijaabto ay asaay qaaddo, ka gadaalna la yiraahdo waa garoob. Sidaas aawadeed uu go’aansaday in gabadhaas Alle calaf ugu daro mid ay waayo wada noolaadaan.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay yuu yahay ninka sidaas gabar uga fakari kara oo aan Hanad ahayn, wiilkaas Soomaaliyeed ee dhaqanka iyo diinta Alle ku manneystay.

Tanse ka daran ayaa ah in Ebyan dooratay waxa uu Hanad diidanaa, oo ahayd in maalmaha u haray nolosha asaga la qaybsato, asaay in ay qaado, garoob in ay noqotana diyaar u ahayd. Geesinimada gabadhaas Soomaaliyeed ee Ebyan muujisay ayaa laftigeedu wax aan la qiyaasi karin ah. Waana tan qalbiyada noocaas ah marka Alle wada kulansiiyo ama ay is helaan uu u dooro waxa ay jecelyihiin, Ebyan iyo Hanadna u noqdeen lammaane Alle nolol tii ay filayeen ka qurux badan u unkay.

Buuggaan oo aan runtii aad uga helay, ahna buugga kaliye ee jacayl ood dhexdiisa ugu tageysid aayado Quraan ah, ayaan oran lahaa dhallinta Soomaaliyeed, meel ay joogaanba, haka dhigtaan kan koowaad ee ay akhriyaan haddii ay rabaan in ay aasaasaan guri mustaqbal qurxoon.

Qoraayadda buuggan qaaliga ah ee u martay hab currinta sheekadan jaceylka ah waji ka duwan kuwii hore, ayaan uga mahadcelinyaa waqtiga iyo dadaalka ay ku bixisay qorista sheekadan.