U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Saxiixay Buugga Tacsida Marxuum Jawaari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Buugga Tacsiyada ayaa muddooyinkii dambe ka furnaa caasimadda waxaana saxiixiisa ka qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan, kuwaas oo dalka xil ka haya iyo kuwa hore, waxaana xusid mudan iney u muuqato inuu madaxweynuhu soo xiray maanta.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa dhowaan buugga tacsida marxuumka ku saxiixay tanjirayaal  dhowr ah iyo mas’uuliyiin kal duwan, Allah unaxariistee Marxuum Jaaari ayaa Muqdisho ku jeeriyooday 29-kii June xilli uu muddo uu ahaa bukaan socod.