U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Qaabilay Goddoomiyeyaashii Kaga Horeeyay Xilka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hooygiisa casuumaad   ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Mudane Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan, madaxada ayaa ka qeybgashay kulankii wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan iyo siyaasiyiinta.

Goobjoog News