U bood dhigaalka

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wasiillada Somaliland oo Barri Dhaceysa, Yaa Ku Tartami?

Sheeko:Baarlamaanka

Maalinka berri ah waxaa lagu  mudeysan yahay doorashada gudoonka golaha wakiilada Somaliland taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland, kadib iscasilaaddii guddoomiyihii hore ee golaha Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ku biiray dhaqdhaqaaqa SSC.

Yaasiin Xuseen Faratoon iyo Cali Xaamud Jibriil ayaa ku tartamaya qabayasha hoggaanka golaha Wakiillada Somaliland, labadaan mas’uul ayaa xilal kale duwan kasoo qabtay Somaliland, waxaana labaan mas’uul midkood lagu wadaa in maalinta barri oo taariikhdu tahay 23 July uu noqdo guddoomiyaha.

Waa kuma Yaasiin Faratoon

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag u ah magaalo madaxda.

Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday. Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaraddii Waxbarashada Somaliland.

Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017 uu soo dhisay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waa kuma Cali Xaamud Jibriil

Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil waxa uu ku dhashay magaalada Boorama, Sanadkii 1971. Waxa uu waxbarashadiisi hoose dhexe ku qaatay magaalada boorame, dugsigii Camuud ee isla magaalada Boorama ayuu sidoo kale ku bartay waxbarashada dugsiga sare.

Waxbarashadiisii heer jaamacadeed, waxa uu xildhibaan Xaamud kusoo dhamaystay dalka Pakistan 1996kii, halkaas uu kusoo bartay culuumta ganacsiga (Business Administration). Waxa uu shahaadadii kowaad ee bachelor’s degree, isaga oo waxbarashada sare ku qaatay Pakistan.

Waxa uu ku biiray arrimaha siyaasadda intii uu joogay ingiriiska, waxa sidoo kale ka qayb qaatay dedaalada ay jaaliyada ingiriiska ee Somaliland wax ku taraan shacabka Somaliland,waxa loo doortay guddoomiye xigeenka ururka Somaliland Society UK (SSC UK), sanadkii 2016.

Sanadkii 2010 kii madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-siilaanyo ayaa xildhibaan Xaamud ku soo daray golahii wasiirada, waxaana loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, balse xilkaa waxa laga qaaday ka dib markii uu hayay saddex sannadood.

Sanadkii 2021 wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo laga soo doorto gobolka Awdal, balse isla sanadkaas wuxuu markale isku soo sharaxay inuu ka mid noqdo shirguddoonka aqalka wakiilada, xilli uu noqday guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka wakiilada oo uu imika hayo.

Maalinka berri ah waxaa lagu  mudeysan yahay doorashada gudoonka golaha wakiilada Somaliland taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland, kadib iscasilaaddii guddoomiyihii hore ee golaha Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ku biiray dhaqdhaqaaqa SSC.

Goobjoog News