U bood dhigaalka

Golaha Wakiilla Somaliland Wasiir ( Faratoon) U Doortay Guddoomiyaha Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) u doortay guddoomiye  cusub, kadib tartan ay wada galeen isaga iyo xildhibaan Cali Xaamud Jibriil iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo musharraxiinta kula tartantay kursiga.

Xildhibannada golaha wakiillada ee soo xaadiray fadhiga doorashada ayaa gaarayay 82 mudane, guddoomiyaha cusub ayaa helay 64 cod, halka xildhibaan Cali Xaamud Jibriil uu helay 59 cod, waxaa 3 cod sidoo kale helay Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo tartamay.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) ayaa ka tirsanaa xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuxe Biixi Cabdi, waxaana uu ahaa wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, waxaana lagu wadaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilkiisa ula wareego.

Doorashada maanta uu kusoo baxay Fartoon ayaa ahayd mid la filayay, maadaama todobaayadii lasoo dhaafay ay madaxtooyada Somaliland dadaal ay ku bixineysay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.
Guddoomiyihii hore ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Ahmed, ayaa xilkaas isaga tagay kadib markii uu ka dhiidhiyay dagaallada ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Goobjoog News

Goobjoog News