U bood dhigaalka

Guudmarka Xukunnadii Maxkamadda Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 28 Sebteember ee sannadkaan soo saartay xukun la gu afmeerayo kiis dacwadeedyo ciqaab ah oo ku kala lambaraysan 488/2023, 1044/2023, iyo 938/2023, kuwaas oo la ga keenay shaqaale dawladeed oo ku eedaysnaa lacag-dhaqis, xatooyo xoolo dadweyne, iyo been abuur dukumiintiyo iyo shaabbad dawladeed.

Eedaysanayaasha ayaa ka kala tirsanaa hay’ado ay ka mid yihiin Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Eedaysanayaasha oo ahaa 11 qof, waxa ay maxkamaddu dembi ku wayday shan ka mid ah, halka ay ku heshay lix kale dembiyo kala duwan.

Xukunnada u gu adag ayaa waxa ay ku dhaceen labo ka mid ah lixda eedaysane oo u kala shaqaynayey Waaxda Ruqsadaha Shaqaalaha Shisheeye ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda. Maxkamadda ayaa eedaysanayaash ku heshay dembiyada xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuur, waxaa na ay ku kala ridday xukunno xabsi oo gaaraya sagaal sano iyo siddeed sano.

Saddex ka mid ah afarta eedaysane ee soo haray oo dhammaantood u shaqaynayey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mid ka mid ah maxkamaddu ku ridday saddex sano iyo lix bilood oo xarig ah, halka labada kale na ay ku xukuntay min hal sano. Eedaysanaha afraad oo u shaqaynayey Bangiga Dhexe oo Soomaaliya ayaa maxkamaddu ku ridday siddeed bilood oo xabsi ah.

Waxaa xusid mudan in afartaan shaqaale ee la xukumay ay maxkamaddu ku wayday dembiyada xatooyo xoolo dadweyne, been abuur iyo lacag dhaqid, dembiyada lagu helay na ay yihiin kuwo aan horey u gu jirin eeddii uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, balse intii ay dacwaddu socotay ay maxkamaddu ku qanacday in ay galeen dembiyada dambe ee la gu helay.

U gu dambeyn, maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in ciddii aan xukunka ku qancin racfaan u furan yahay muddo aan ka badnayn 30 maalmood.