U bood dhigaalka

Ciidamada Badda Senegal oo Gacanta Ku Dhigay Tahriibayaal.

Ciidamada Badda ee dowladda Senegal ayaa sheegay Axaddii in ay joojiyeen labo doonyood oo kale oo ay la socdeen tahriibbayaal gaaraya 262 qof kuwaas oo doonayay in ay mar kale tahriibaan.

Wadarta doomaha la qabtay tan iyo Khamiistii ayaa noqonaysa 5, waxayna tirada ku tahriibbaysa ahaayeen 600 oo qof.

Dad ka la soo badbaadiyay ayaa isugu jira 26 haween ah iyo 13 caruurra oo aan qaan gaadhin, sida ay barta X ku sheegeen ciidamada badda ee Senegal.

Talaabaddan lagu joojiyay doomaha tahriibka ayaa imaanaya xiligan xagaagga oo qulqulka tahriibku kordhay, kuwaas oo doonaya qaaradda Yurub.

Goobjoog News