U bood dhigaalka

Duqeymo Ruushku Ka Fuliyay Ukraine oo Sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah

Duqeymaha diyaaradaha Ruushka ay ka fuliyeen ee gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine habeenimadii xalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof lix kalana waa ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan laba carruur ah, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Oleksandr Prokudin.

Kyiv ayaa sheegay in Moscow ay qaaday ugu yaraan 10 gantaal iyo 89 weerar oo cirka ah oo ka dhacay Ukraine maalintii la soo dhaafay. Taas ayaa keenta in Ruushka uu la kulmo eedeynmo ku aadan dambi dagaal, sida dhwaan laga soo gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin.

Warbin lasoo saaray ayaa lagu sheegay iney jiraan  warbixinno ku saabsan adeegsiga gantaallada S-300 oo noqday kuwo soo noqnoqda dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, waxaana inta badan loo adeegsaday dhulka ay degan yihiin dadka rayidka oo waxyeello sababay.

Yevgeny Prigozhin oo ku dhintay shil diyaaradeed 40 maalmood ka hor maanta oo Axad ah, ayaa taageerayaashiisa ku tilmaameen inuu ahaa geesi waddaniyad u leh Ruushka inkasta oo uu ahaa hoggaamiye calooshood u shaqeystayaal ah saameyntiisii dagaalka.

Duqeymaha diyaaradaha Ruushka ay ka fuliyeen gudaha Ukraine ayaa wali sii soconaya, xilli dowladaha reer Galbeedka ay wali sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Ruushka eek u aadan joojinta weerarrada uu ku hayo dhulka ay degan yihiin dadka Rayidka ah oo saameyn reebtay.

Goobjoog News