U bood dhigaalka

Isbaheysi Beelo oo Ka Dhan ah Al-shabaab oo Looga Dhawaaqay Galgaduud, Kadib Mudug

Sheeko:Dalka

Xilli abaabulka iyo dagaalka ka dhanka ah  Al-shabaab wajigiisa kowaad uu marayo heer gabangabo ah, ciidankuna ay qorshenayaan in ay qaadaan duulaanno kale duwan ayaa waxaa soo baxaya isbaheysiyo dagaal oo dhex maraya beelaha daga deegaanada Mudug iyo Galgaduud ee garabka u ah ciidanka dowladda.

Kulan u dhaxeeyay beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle oo ka dhacay deegaanka Wara Dhuumale ee gobolka Galgaduud, ayaa looga dhawaaqay isbaheysi ay yelanayaan beelahaan, waxaana la sheegay in beesha Duduble ay dib kaga soo biireyso, sida wararka lagu sheegay.

Kulanka ayaa waxaa  ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiiro, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa looga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli ciidanku ay ku wajahan yihiin bariga gobolka Galgaduud.

Cali jeyte Cismaan oo  ka hadlay goobtaas ayaa sheegay in sadaxda beelood ee Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in ay si wadajir ah looga wada qeyb qaato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

“Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen bulshada ku nool gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaa la jooga xiligi aan iska dulqaadi laheyn, waxaan ka koobanahay sadax beelood waa inaan dhulkeena ka xureyna oo beenta ay Diinta noogu sheegaan aan soo afjarno” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Masuuliyiinta beelaha ee ka qeyb galay kulanka waxay dhamaantood sheegeen iney u diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah oo hagar la’aan ku jirto loo wada galo dagaalka Al-shabaab lagu ciribtiraayo.

Kulankaan sadaxda beelood ku dhexmaray deegaanka Wara dhumale waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan gobolka Mudug looga dhawaaqay sidaan oo kale isbaheysi ay ku jiraan beelaha Sacad, Surre, Saleebaan iyo Saruur oo dagaalka ku jira.

Goobjoog News