U bood dhigaalka

Dhulgariir Ka Dhacay Magaalada Napoli Ka Hor Kulanka Kooxa Napoli iyo Real Madrid

Magaalada Napoli ee dalka Taliyaaniga ayaa waxaa gilgilay Dhulgariir saacado ka hor inta ay kooxda Napoli wajihi rabtay Real Madrid  kulan ka tirsan Champions League oo kooxda reer Spain ee marti ku aheyd magaalada Napoli.

Baabuur kuwa xamuulka qaada ah ayaa lagu garaarayaa dhismaha garoonka ee Napoli waxaana argagax ka jiraa magalada Naples  iyadoo oo uu  dhulgariir ka  dhacay wadanka Talyaaniga saacado ka hor kulanka Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro dhibaato looga walwalsanyahay garoonka ka hor inta aan kubbad la baasan.  Sababta oo ah dhulgariir cabirkiisu ku dhawyahay 4.0 ayaa saameeyay dalka talyaaniga.  Kooxda Real madrid ayaa ku sugan badhtamaha magaalada Naples, oo ka fog xurunta dhulgariirka ee aagga Camp Flegrei, oo cabsi ay ka jirto

 “Dhulgariir 3.2 ah wuxuu la mid yahay gawaari xamuul ah oo ku dhacay dhismo.  Ama in ka badan toban baabuur oo xamuul ah.  Dhaqdhaqaaqa dhismaha iyo sawaxanka ayaa xoog leh.  Waan ogahay taas sababtoo ah waxay nagu dhacday inagoo joogno magaalada Naples. ”ayuu yiri suxufi reer talyaani ah oo ka hadlayey xaaladda ka jirta Napoli.

Kooxda ka dhisan La Liga ayaa caawa oo Talaado ah garoonka Diego Armando Maradona ku ciyaari doonta kulankii labaad ee Group C  iyadoo labada kooxood ay hore usoo qaateen seddex dhibcood kulankoodii koowaad oo qeyb ka ah group.

Goobjoog News