U bood dhigaalka

Diyaaradaha Maraykanka oo Howlgallo Duqeyn ah Ka Fuliyay Jubbada Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegay in habeenimadii xalay Duqeymo laga fuliyey degmada Bu’aale, kuwaas oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee taageera ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Duqeynta oo dhacday abbaare Sideeddii fiidnimo ayaa duqeymo ayaa lala  beegsaday seddex saldhig oo Al-shabaab ay ku lahaayeen degmada, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federalka .

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu xusay in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan dhismah

1-Dhismaha xarunta. degmada.

2- Xero Tababar oo la sheegay in kooxda ay ku tababaraan askartooda, sida lagu xusay bayaanka oo ku talla Duleedka Bu’aale ee aaga masjidka dabaqa.

3-Dhismo ku yaallo Buundada Bu’aale oo la sheegay in ay ku shirayeen mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab, waxaana jiro khasaare sida bayaanka lagu gabagabeeyay.

Duqeyntaan ayaa waaa la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Maraykanka, kuwaas oo qeyb ka ah taageerada Africom ee taageera dowladda Soomaaliya, mana jiro war kasoo baxay Africom oo ku aadan Duqeymaha dhacay.

Magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe oo ah caasimadda Jubbaland ayaa gacanta ugu jirta Al-shabaab muddo 15 sano ah, waxaana dhor jeer ka dhacay duqeymo ay fuliyeen ciidanka Africom oo taageera ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Goobjoog News