U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Faahfaahin Ka Bixisay Xarigga Sufyaan Shiikh Axmed(Taakeeye)

Sheeko:Dalka

Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigtay nin lagu magacaabo Sufyaan Sheekh Axmed, oo ku magic dheer{Taakeeye } , kaas oo dowladdu ku eedeysay faafinta fikirro kasoo horjeeda Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegtay NISA.

Sufyaan oo muddooyinkii dambe ku noolaa magaalada Nairobi dalka Kenya oo halkaas laga soo xiray ayaa hoggaamiye u ahaa urur la magac baxay Talo ku nool, waxaana muullo badan oo laga duubay uu ku eedeeyay dowladda iyo ciidanka midowga Afrika eek u sugan Soomaaliya uu ku tilmamay Saliibiyiin.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, {Taakeeye } oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Hey’adda Nisa oo warbaahinta lala wadaag.

Qoraalka NISA ayaa sidoo kale lagu xusay in Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib wadashaqeyn dhexmartay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay in hey’addu ay ku bilowday baaritaanno la xiriira eedeymo dhowr ah oo loo jeediayay.

“Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay Magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka hey’adda.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri gabagadii bayaanka kasoo baxay hey’adda NISA kadib xarigga Sufyaan Sheekh Axmed, oo ku magic dheer{Taakeeye } .

Sufyaan xarigiisa ayaa yimid kadib markii uu wareysiyo dhowr ah uu ku bixiyay arrimo ay dowladda ay ku sheegtay faafinta fikirro kasoo horjeeda Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya, oo in ay taageerayaan kooxa ay ku tilmaantay Argixisada xilli uu dhisay ururka Talo ku nool oo ay ku biireen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo fikirkaas xambaaray.

Goobjoog News