U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagreen oo Safar Ku Gaaray Dhuusamareeb iyo Kulamo Ka Socda Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa siweyn lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug, xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku sugan yahay magaalada

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Dhusamareeb kulan kula qaadan doona madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyaga oo ka wada hadli doona, sidii loo xalin lahaa khilaafka Laftgareen iyo mucaaradka.

Safarkiisa ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha Soomaaliya uu dhowaan la kulmay xubnaha la magac baxay badbaado qaran, kuwaas oo shirar kale duwan oo lagu dalbanayo doorasho ku qabtay Magaalada Muqdisho iyo Nairobi.

Goobjoog News