U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Mudug iyo Waanwaan Socota

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda deegaannadii shalay uu ka dhacay dagaal beeleedka ay saaka ka deggan tahay sidii hore, inkastoo wali ay is hor-fadhiyaan meleeshiyaadkii dagaallamay oo aan lagu guuleysan in la kala qaado.

Shalay dagaalkii dhacay oo aad u xooganaa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 ruux oo labada dhinac ah, halka  50 kale oo labada dhinac ay soo gaareen dhaawacyo kale, kuwaas oo labada dhinac ah, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo halkaasi.

 Wararka laga helayo deegaannada miyiga ah ee dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegaya in gurmad ay helayaan dhinacyada dagaallamaya kaas oo uga imaanaya deegaannada ay ka soo kala jeedaan labada beelood ee gobolka Mudug wada dega.

Maamullada gobolka ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in si wada jir ah ay uga shaqeynayaan sidii dagaalka loo joojin lahaa, oo xaaladda dib loogu soo celin lahaa sidii hore, waxaana dagaalkaan uu sababay dilal siyaabo kale duwan u dhacay.

Waxaa sidoo kale socda dadaallo ay dhankooda wadaan waxgaradka labada dhinac oo ay ku doonayaan in lagu joojiyo dhiigga daadanaya iyo dagaalka labada dhinac, waxaana siweyn looga dareemayaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob.

Gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe beelaha wada dega waxaa dhex yaallay heshiis ay ku wada noolaayeen, kaas oo dhinacyada ay ku kala nabad geli jireen, waxaana cabsi laga qabaa inuu mar kale dagaalka uu dib u qarxo labada dhinac.

Goobjoog News