U bood dhigaalka

Afhayeenkii Aqalka Wakiillada Mareykanka oo Iscasilay, Kadib Markii Kalsoonida Lagala Laabtay

Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa wajahaya maalmo jaha-wareer ah ka dib markii koox yar oo ka tirsan Jamhuuriga mayalka adag ay ku qasbeen afhayeenkii Kevin McCarthy inuu xukunka ka dego, taas oo keentay inuu shaqadiisa uu isaga tago.

Mr McCarthy ayaa si dirqi ah ku lumiyay kalsoonidii wakiilladda iyadoo mid ka mid ah saaxiibbadiisa Jamhuuriga,oo lagu magacaabo Matt Gaetz, uu mooshin ka gudbiyay, arrintaan ayaa muuqa in loogu hiilinayo Trump oo Dimuquraadigu heysto.

Waa qofkii ugu horeeyey taariikhda Maraykanka ee aqalka wakiillada ka waaya kalsoonida lagana laga tuuro xilka. Xil ka qaadistiisa ayaa soo afjareysa is qabqabsi ka dhex jiray xisbiga Jamhuuriga oo u dhaxeeyay Donald Trump oo taageersan garabka midig iyo xubno dhexdhexaad ah.

Mr Gaetz oo aad u faraxsan ayaa bogaadiyay natiijada,Mr McCarthy uu kalsoonidii ku waayay, arrintaan ayaa abuurtay xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa labada xisbi eek u loolama talada dalkaasi Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga, oo labada aqal kala hogggaamiya.

Waxaa lagu eedeyay Afhayeenkii hore inuu heshiis qarsoodi ah la galay Aqalka Cad si uu u sii wado maalgelinta Ukraine, iyo in su’aa la galiyay hoggaamintiisa gudaha aqalka wakiillada, taas oo muddooyinkii dambe keentay inuu Mareykanku taageero Ukrine.

Goobjoog News