U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga, Kuwa Deegaanka iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanaya Koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ilaa iyo xalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa markale dib uga qarxay deegaanka saakay, xilli ay jiraan duqeymo xooggan oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay la beegsanayaan dhulka howdka ah oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab ee deegaanka Shabeellow ku hareereysan.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka, waxaana wararku ay sheegayaan in dhinacyadu ay kala helayaan gurmadyo kale duwan, Al-shabaab ayaa gacanta ku haya deegaanka Caad oo 20 Km u jirta.

Al-shabaab oo laga soo saaray magaalooyin dhowr ah ayaa ku dagaalamaya deegaankaan maadaama uu yahay dhul howd ah oo looga gamban karo duqeymaha diyaaradaha dagaal, Shabeellow ayaa waxaa ka dhacaya dagaalkii ugu qaraaraa eek a dhaca gobolka Mudug.

Ciidamo u badan kuwa deegaanka ee beelaha ku midoobay isbaheysiga dagaalka ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka, waxaana xusid mudan in deegaannada Galmudug uu ku sugan yahay madaxweynaha jamhuuriyadda federalka Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo abaabul wada.

Goobjoog News