U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed oo u Diyaar Garoobeysa Howlgal iyo Ciidan Tababar Loosoo Xiray

Sheeko:Dalka

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan laga bilaabo howlgal ka dhan ah Al-shabaab, xilli gobollada Baay iyo Bakool dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan ciidanka xoogga dalka Daraawiishta iyo kuwa deegaanka.

Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, iyaga oo kusoo biiraya dagaalka ka dhanka Al-shabaab ee wajiga labaad ee howlgalka.

Waxaana  munaasabadda ka qeyb galay madax kale duwan iyo saraakiil ciidanka xoogga dalka ah, gaar ahaan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed,guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo taliyeyaal kale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa sheegay in ciidankaan ay qeyb ka noqon doonaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Laftagreen oo cadaadis siyaasadeed uu kaga furan yahay mucaaradka ayaa sheegay in la joogo xilligii Al-shabaab laga saari lahaa deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ciidankaan ka horeeyay dhowr dufcadood oo sidaan tababar loogu soo xiray.

 “Howlgalkii Shabaabkii intii soo carartay dhameystirtana  aad ayaan u faraxsanahay maadaama uu idiin soo dhammaaday tababarkii, waxaan ka wada shaqeyn doonaa dagaalka Khawaarijta iyo sugidda amniga Koofur Galbeed” ayuu yiri madaxweyne Laftagreen.

Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku sugan ciidanka isugu jira xoogga dalka iyo kuwa ka socda dowladda Itoobiya oo ilaaliya xarumaha dowladda, waxaana ciidankaan cusub loo tababaray in dagaalka ay gali karaan si ay qeyb kaga noqdaan howlgallada.

Koonfur Galbeed xilli loo diyaar garoobayo dagaalka Al-shabaab ayaa waxaa socda heshiis garwadeen uu ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda uu lagu dhexedhexaadinayo madaxweyne Laftagreen iyo dhinaca mucaarada oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda si gaar gaar ah..

Goobjoog News